Kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada kunool gobolka Baay iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta gobolka Baay ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo.
Intii uu kulankaasi uu socday waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Ammaanka gobolka Baay , kan degmada Baydhabo iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo sidoo kale dadka Shacabka ah.
Kulankaasi oo socday Maalmo ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo , waxaana soo xiray Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Baay Mudane Yoonis Aadan Xasan.
Waxaa uu sheegay in bulshada iyo sidoo kale Ciidamada Ammaanka uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan.


