DHAGEYSO: Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhiig shubay kana hadlay Qaraxii Zoobe

Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya ,islamarkaana horay Al-Shabaab uga tirsanaan jiray ayaa ka hadlay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ,islamarkaana uu kasoo horjeedo in la dilo dadka Shacabka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka Muslimiinta ah laga doonaayo in ay muujiyaan iscaawin.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga uu sheegay in ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale booqday Isbitaallada Magaalada Muqdisho,isagoona dhiig Shubay.