DHAGEYSO: Sheekh Caanoole iyo Tanaad oo ku tartamay Tartanka Iskuulada Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Tanaad iyo Sheekh Caanoole ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo galay wareegiisii labaad.

Labada iskuul ayaa galabta soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan, maadaama iskuul walba uu doonayay in uu ka adkaado iskuulka kale.

Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaaacadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartankan, taasi oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, Ciida ka hor.

Iskuulka Sheekh Caanoole oo la yimid 9 dhibcood ayaa galabta guul ka gaaray iskuulka Tanaad oo keensaday 8 dhibcood, sidaasina waxaa wareega Saddexaad dhamaadka ugu soo gudbay iskuulka Sheekh Caanoole.

Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartankii galabta dhexmaray iskuulada.