DHAGEYSO: Shacabka Gaalkacyo oo ka hadlay heshiiskii Xaaf iyo Gaas

Gaalkacyo-RisaalaFM- Shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska magaalada Gaalkacyo ay ku wada gaareen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas.

Waxa ay sheegeen shacabka Gaalkacyo heshiiskaasi in uu ahaa mid loo baahnaa oo isku dhaweynaya shacabka labada dhinac oo mudo ay colaad ka dhaxeysay.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin (Saxansaxo).