Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha Risaala qaarkood oo halkaasi tagay.
Waxaa jira dad badan oo ilaa iyo hadda geeri iyo nolol aan gacanta lagu heyn.
Dadka Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ka maqan ay ugu war dambeysay Shalay ,islamarkaana qaarkood ay ku sugnaayeen Isgoyska Soobe.
Wariyaha Risaala Cabdirashiid Cali Dubad oo booqday Isbitaallada Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in boqolaal Shacab ah ay hor tuman yihiin Isbitaallada.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay wali la’yihiin dad ehelkooda.
Qaraxii shalay ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu saameynta badnaa ee ka dhaca Muqdisho.
waxaa qoray: Ali Omar Abdi



