DHAGEYSO:- R/wasaaraha iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan oo heshiis wada gaaray

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke ayaa Maanta kulamo saacado badan la qaatay Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo ka mid ah Wafdiga Ra’isal Wasaaraha oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan laga qanciyay waxyaabihii ay tabanaayeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in odayaasha ay ogolaadeen iney tagaan Magaalada Jowhar oo ay ka qeyb galaan Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu wasiirka sheegay in kulamada labada dhinac la isku afgartay waxyaabihi ay ka wada hadleen, islamarkaana uu rajeynayo Ra’isal in dhammaan beelaha ka maqnaaa shirka ay si deg deh ah ku tagaan Shirka Jowhar.