Shir looga hadlayay qaab dhismeedka ciidanka booliska soomaaliyeed oo uu ka soo qeyb galay wasiirka Amniga gudaha Dowlada Federaalka soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirada Amniga maamul goboledyada’Dalka ka jira, Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya,’Taliyaha ciidanka CID-da, gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka kala socday Hiiraan iyo Shabelada Dhexe ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi Dalka Kenya.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana fududeeyay oo taageeray QM iyo Midowga Afrika.
Xeritaan shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan “Bekos” iyo madax kale.
Madaxdii ka hadashay xeritaanka shirka ayaa ka hadlay ahmiyada ciidanka booliiska soomaaliya iyo kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta dalka soomaaliya.
Hoos ka Daawo Sawirada:-



