Dhageyso:-Puntland oo sheegtay inay ku raad joogto Kooxaha….

Puntland ayaa markale ku celisay in maranaba aysan ogolaan doonin in deegaanadeeda ay ka dhex Shaqeeyaan dadka mukhalisiinta ah ee wax tahriibiya,kuwaas oo horay digniino looga soo saaray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland  Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in weli ay siweyn uga hortagayaan dadka wax tahriibiya iyo Gaadiidka lagu qaado dadka doonaya inay tahriibayaan.

Taliyaha waxa u hadaliisa intaasi ku daray in ciidamada Booliska Puntland ay hayaan dad lasoo qabtay,sidookalena ay jiraan dad ay ku raad joogaan,waxaana uu intaasi ku daray in gaadiidkii lagu helaa isaga oo sida dad tahriib u socda lala wareegi doono.

Digniintaas kasoobaxday taliska sare ee Booliska Puntland ayaa daba socota digniino horay uga soo baxay,waxaana xusimudan in deegaanada Puntland ay inta badan ka tahriibaan dad doonaya inay gaaraan dalka Yaman si ay ugu sii gudbaan dalka Yaman.

Riix Halkaan ee Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland