Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Sool

Sida aan wararka ku heleyno dagaal culus ayaa saakay waxa uu deegaano ka tirsan gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Korneel lagu Magacaabo Faysal Falaalug.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Ciidamada Millateriga Soomaaliland oo marayay deegaan lagu Magacaabo Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood ay wadada u galeen Ciidamada la Magac baxay Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Korneel Faysal Falaalug.

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka  gobolka Sool ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u sheegay in dagaalka uu socday mudo ku dhow saacad, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya goobtii lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,islamarkaana ciidamada Millateriga Soomaaliland ay sii wateen socdaalkoodii.