DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay amaanka guud ee deegaanadeeda

Wasiirka amnig maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay amaro kasoo baxay wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha Puntland kuwaas oo fulintooda laga rabay laamaha ay qusayso sida boliiska, degmooyinka iyo laamaha kale ee amaanka.

Wasiir Qarjab ayaa maanta digniin udiray mas’uuliyiinta jagooyinka ka haya laamaha amaanka ee fulin waayey amaro dhowr ah oo horay loo faray islamarkaana xafiisyadooda la geeyay waraaqihii ay ku fulin lahaayeen balse aan dhanka amaradaas wax tallaabo ah u qaadin.

Dhanka kale waxa uu sheegay in  dhowaan ku mamnuuceen dadka wax wareejiya iyo Oromada Gaari-gacanka alaabaha ku wareejiya ee xaafadaha magaalooyinka puntland had iyo jeer lagu arko, waxaana uu sheegay in amarkaas aan waxba laga qaban oo aan la fulin.

Maamulka Puntland ayaa dhowaanahan waxa ay wadeen howlgallo lagu sugayo amaanka guud ee deegaanada Puntland.