Boliis ayaa la geeyay magaalo madaxda Masar ee Qaahira, ka hor intaan la qaban banaanbax la qorshaynayo.
Boliiska rabshadaha iyo baabuurta hubaysan ayaa la dhigay dhowr meelood, oo ay ku jirto Taxriir Square oo ah meeshii ay ka bilaabatay kacdoonkii Masar.
Mudaaharaadka ayaa looga soo horjeedaa go’aanka dowladda ee ay ku siisay laba jasiiradood ee istaraatijad ah Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha Cabul Fattah al Sisi ayaa ku dhiiri galiyay dadkiisa inay midoobaan si ay u difaacaan dowlada iyo hayadaheeda.


