Wararka ka imaanaya deegaanka Dac-dheer iyo deegaanada u dhow oo ay ku dagaalameen Kooxo ka soo jeeda Koonfurta Mudug iyo ciidamada boliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay degan yihiin deegaanadaas maanta.
Waxaana la sheegay in ciidamada dalka Itoobiya ay sugayaan amaanka deegaanadii lagu dagaalamay, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in daganaansho laga dareemayo deegaankaas.
Saraakiisha amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay soo weerareen deegaanadooda kooxo hubeysan balse ay ka guuleysteen kana saareen deegaanada xaduuda oo dhan.
Ilaa iyo hada ma jiro wax wada hadal ah oo ka soo baxay kooxihii halkaas ay kula dagaalameen waxaana Madaxa Hogaanka Nabadgalyadda ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee deeganadooda.


