Kulan looga hadlayay hormarinta cadaaladda ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo muhiimad gaar ah uleh cadaaladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya caydiid Ilka Xanaf, Wasiirka Cadaalada xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Axmed Jaamac, kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaana la sheegay in kulankan xoogga la gu saari doono sidii loo hormarin lahaa hormarinta cadaaladda, iyadoo uu ka hadlay kulanka wasiirka Cadaalada xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Axmed Jaamac waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku dadaali doonto hormarinta cadaaladda.
Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya caydiid Ilka Xanaf ayaa tilmaamay in garsoorka marwalba la doonayo in hormuud uu ahaado amni, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay sidii loo heli lahaa amni guud.
Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu socon doono maalmo kooban.