Maxay ka wada hadleen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo madaxweyne Gaas ? “Sawiro”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga  Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay madax sare oo ka tirsan boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya Waddanka Sucuudiga.

Waxaa la sheegay ujeedka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo dowladda Sucuudiga, dardar gelinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac iyo iskaashiga nabad-gelyada guud maadaama dowladda sucuudigu ay dagaal dabo dheeraaday kula jirto kooxaha xuutiyiinta shiicada ee dalka Yemen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo kula qaatay barayaasha Soomaalida ah wax kadhiga Jaamacadaha Dalkaasi Sucuudiga waxaana uu kula dardaarmay in ay ka qayb qaataan horumarka ka soconaya dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa caasimadda Sucuudiga ee Riyaad kulan is xogwaraysi guud ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinka ugu dambeeyey ku noolaa waddamda carabta.

Waxaana la sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen xaaladda guud ee Mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hada ka mid ah dadka usharaxan doorashada sanadkan ka dhaceysa dalka Soomaaliya.

1 2 3- 4-