DHAGEYSO: Puntland oo Eedeeysay Maamulka Galmudug

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland Cabdicasiis Jamac Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in dadka dilalka ka geysta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay ubaxsadaan Koofurta magaalada Gaalkacyo oo ay gacanta ku hayaan maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ayaa intaas ku daray in amni darada ay ka geystaan waqooyiga Gaalkacyo dad ka soo jeeda koofurta.

Waxa uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in amniga laga wada shaqeeyo,islamarkaana galmudug ay gacanta kusoo dhigto dadka dhibataada ka wada waqooyiga Gaalkacyo

Ma jiro wax war oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug Qeybta Galmudug oo ku aadan eedeeymaha loo soo jeediyay.