Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo lasoo gaba gabeeyey weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gaaray goobta ay faah faahin ka bixiyeen qasaaraha weerarkaasi iyo sida ciidamada amaanka ay uga hortageen Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada NISA ay toogteen ragii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay mar walba ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorshaha Al-shabaab.
C/raxmaan Tuuryare ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen shaqo wanaagsan maadaama ay ka hortageen weerarka.
Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Gaashaan ay Hotelka qaybta Sare iyo Qaybta hoosaba ay joogaan oo ammaanka ay xaqiijiyeen.
Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama ay jireen dad kale oo dhaawacyo qaba oo ciidanku subaxnimadii hore ee saakay ay ka soo saareen gudaha Hotelka.
Goobaha Hotelka ka agdhaw ayaa hada waxaa jooga dadka shacabka ah oo daawanaya sida ay wax u dhaceen, inkastoo ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan weli goobta ay buuxaan.


