Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ka badan 50 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba in la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.
Dadkaan oo ku dhaawacmay Qaraxyada iyo rasaastii lagu weeraray Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay qabaan dhaawacyo kala duwan.
Maamulka Isbitaalka waxa ay sheegeen dad kor u dhaafaya 50 ruux in la dhigay Isbitaalka oo intooda badan dhaawacyadooda ay yihiin kuwa culus.
Ilaa 15 ruux ayaa daryeel caafimaad loo fidiyay, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay ahaayeen kuwa fudud, halka 39 ruux la jiifiyay Isbitaalka, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay culus yihiin.
Xaalada Hotelka Ambassador ayaa hada waxa ay tahay mid caadi ah oo ciidamada ay xaqiijinayaan ammaanka Hotelka oo goor dhaw madax dowladda ka tirsan ay tagi rabaan.


