Xildhibaano Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka SOomAaliya, kuwaasi oo xalay lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

Salaada Janaasada Marxuumiinta ayaa waxaa lagula tukaday masaajidka Madaxtooyada, waxaana Salaada ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Intaasi kadib ayaa meydka waxaa loo galbiyay Qabuuraha Booliska, halkaasi oo Aas Qaran loogu sameeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska ayaa ka qeyb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Xiildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen Kabaweyne iyo Xildhibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure.

Labadan Xildhibaan ayaa waxa ay ahaayeen saaxiibo, iyadoo Xildhibaan C/laahi Jaamac uu Hotelka u tagay in uu soo booqdo Xildhibaan Guure, hayeeshe masiibadan ay qabsatay.

Al-shabaab ayaa horay u dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku bartilmaameedsadeen Hotelo iyo goobo ka mid ah caasimada.