DHAGEYSO: Mowjado xoog badan oo laga dareemay Xeebaha Muqdisho iyo Kismaayo

Mowjado soo ragoya Hirar waaweyn ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga dareemay qaar kamid ah xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada iyo dadka deggan dhulka Xeebaha Soomaaliya.

Qubarro ku xeel dheer arrimaha Badaha ayaa waxa ay sheegeen in 6-diii Sanaba mar la arko Mowjadahaan oo aan hadda wadan wax dabeyllo ah.

Qof goob jooge ah oo Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in maanta Mowjadaha ay gaddiyeen ilaa 2 Doon ah kuwaas oo illaa hadda badda lagu weysanyahay dadkii la socdayna laga soo badbaadiyay.

Dhanka kalena magaalada Marka wararka inaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi laga dareemay Mowjado xoogan kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka ku dhowaa xeebaha magaalada Marka.

Mid ka mid dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadka halkaasi deganaa ay cabsi badan ku abuurtay in ay waxyeelo ugeystaan biyaha.