DHAGEYSO: Mooshin loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka iyo 80 Xildhibaan oo Saxiixay

Waxaa Maanta gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyay Mooshin ay ku dalbanaya in  Baarlamaanka Cusub lagu soo daro beelaha aan Xubin Xildhibaanimo  ku lahayn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

ku dhawaad 100 Xildhibaan ayaa Saxiixay mooshinka, waxaana maanta loo gudbiyay Gudoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedka ay ka leeyihiin Mooshinkaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in dib loogu soo daro beelaha Soomaaliyeed ee aan hada Xubin ku lahayn Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan in beelaha xuquuqdooda horay loogu tuntay in si sharci ah hada loogu soo celiyay, lana saxo wixii qalad ah ee horay u dhacay.