tababaraha soo socda ee Chelsea Antonio Conte ayaa dhabar jab weyn kala kulmay suuqa kala iibsiga ka dib markii bartilmaameedkiisii ugu sareeyey ee daafaca Leonardo Bonucci uu xaqiijiyey in ay ka go’an tahay in Juventus sii joogo.
Daafaca dhexe ayaa la rumeysan yahay inuu mid ka mid ah ciyaartooyda muddo bartilmaameedka u ah macalin Conte xagaagan si uu u bedelo John Terry isku diyaarinayo inuu ka tago Stamford Bridge.
Tababaraha Italy Conte waxa uu ogyahay Bonucci inuu yahay daafaca xoog badan oo kooxda Chelsea wax badan u qaban kara, lakiin wiilka Juventus ayaa meesha ka saaray inuu kula shaqeeyo Chelsea macalinkiisii hore.


