DHAGEYSO: Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay shir dhowaan ka furmi doona Garowe

Boosaaso-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa soo dhaweyn ka dib waxa uu saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Waxa uu sheegay mahad Cabdalla Cawad in tagitaankiisa Puntland ay ku aadantahay wada tashi uu maamulka Puntland kala yeelan doono.

Waxa uu sheegay in gaar ahaan uu puntland kala hadli doono Qorsheynta shirweyn oo looga hadlayo Dastuurka kaas oo Garoowe ka dhacaya dhowaan.

Cawad ayaa intaasi raaciyay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweyntii loo sameeyay iyo in uu ka mid noqdo wafdigii uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ee ka soo soo raacay degmada Caabudwaaq.