DHAGEYSO: Maamulka Qansax-dheere oo qeylo dhaan ka muujiyay wadooyinka xiran

Qansax-Dheere-RisaalaFM- Degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay ayaa xilligan u go’doonsan ururka Al-shabaab,

Waxaana go’doonka uu saameeyay dadka shacabka ah ee halkaasi ku noolaa.

Degmada Qansax-dheere ayaa xilligan waxaa ka jirin goobo waxbarasha iyo Caafimaad.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansax Dheere Cabdulle Cabdi Saney ayaa waxa uu sheegay in ay xiran yihiin wadooyinka degmada ayna adagtahay in ay soo galaan Gawaarida.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ciidanka degmada Qansax-dheere ay isku diyaarinayaan sidii ay ufuri lahaayeen wadooyinka degmada.

Maamulka gobolka Baay ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.