Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah xilalkii ka xayuubiyay Saddex Wasiir oo Xukuumadda ka tirsanaa, sidoo kalena magacaabay kuwa cusub oo booskooda buuxinaya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilalkii ka qaadaay Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale iyo Wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS iyo Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cusmaan (Eng. Yariisow) oo warbaahinta u aqriyay wareegtada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa sheegay Wasiirada cusub ee la magacaabay in la faray inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda.
Hadaba waxaan eegeynaa magacaabista Wasiirada cusub waxa ay ka bedeli karto siyaasadda Soomaaliya oo hada ku jrita xaalad aanan laheyn sal fadhiya.
Dadka qaar ayaa qaba aragtida ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan mowjado xoogan oo dhanka siyaasada ah kala kulmeysay mucaaradka iyo Dowladaha qaar ee ka soo horjeeda siyaasada in Khayre ay ku qasabtay inuu isbedel ku sameeyo Saddex Wasaaradood oo muhiim ah.
Tusaale Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay nin reer Muqdisho ah oo ku dhow siyaasiyiinta Dowladda Mucaaradka ku ah, Dowladduna ay aaminsan tahay inuu wax badan ka qaban doono culeysaadka siyaasadeed ee kaga imaanaya siyaasiyiinta Mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, Cabdi Maxamed Sabriye hadii aan hal iyo laba ka dhahno waa nin aqoonyahan ah, sidoo kalena ah Ganacsade kana mid ahaa Aas aasayaashii Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink.
Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS waxaa la aaminsan yahay inuu wax badan ka qaban doono xildhibaano Mucaarad ah, gaar ahaan kuwa isku degaan Doorashooyinka ay yihiin, maadaama uu galaangal siyaasadeed kulahaa Baarlamaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad oo ah isaguna nin wax badan ka yaqaana arrimaha Dibadda, isbedel weyna ku sameyn kara xiriirka Dowladda Federaalka ee dhanka Dibadda.
Prof. Maxamed Cumar Meyre oo la hadlay Risaala ayaa qaba aragtida ah in xaalada siyaasadeed ee dalka ay wax badan ka bedeli karaan Wasiiradan cusub, maadaama xubnaha la magacaabay ay yihiin kuwa galaangal ku dhexleh xubnaha Mucaaradka ku ah Dowladda.
Tan iyo markii 21-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii la magacaabay Golaha cusub ee Wasiirada Somaliya, ayaa Wasiiradaasi waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo Siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah Wasiiradii magacaabistaasi ka soo dhex muuqday xilalkii laga qaaday, qaarna ay iscasileen.
Xukuumadda Khayre oo jirta ku dhawaad 9 bilood ayaa waxaa xilalkii laga qaaday Afar Wasiir, halka laba kalena ay iscasileen, iyadoo Wasiir ka mid ah Xukuumaddii Khayre lagu dilay Muqdisho.
W/Q:- Abdirashiid Ali Dubbad