Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiskiisa madaxtooyada warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallada maalmihii udambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadeen qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in duqeymihii diyaaradaha gobolada qaar laga fuliyay ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada kumaandooska sida gaarka ah utababaran ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.
Waxaana dhankale uu tilmaamay in ujeedada dowladda Soomaaliya ay howlgalkan uqaaday ay tahay kadib markii ciidamda dowladda ay ka war heleen ururka Al-shabaab oo doonayay in ay meelo badan oo Soomaali ka mid ah ay weeraro ka fuliyaan.
Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gobolada dalka ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgalladan ay sii wadi doonaan.


