Wasiirka Caafimaadka”Howlaha Isbitaalka Madiina ma hakan doonaan”Sawirro”

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo uu wehlinayo Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa maanta kormeeray isbitaalka Madiina, gaar ahaan qeybta saalada oo dhawaan dab qabsaday, iyagoo u kuurgalayay dabka qabsaday saalada qasaaraha uu gaarsiiyay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka ayaa mas’uuliyiintan ku soo wareejiyay qeybaha isbitaalka, gaar ahaan qeybta saalada ee uu dabka qabsaday iyo qasaaraha ka dhashay, oo ay ka mid ahaayeen agabyadii gurmadka deg deg ah iyo kuwa qaliinka lagu sameyn jiray oo bas beelay, iyagoo sidoo kale kormeer ku sameeyey agabyo si KMG ah qaliino lagu sameeynayo oo ay Wasaaradda caafimaadka halkaasi geystay dabka kadib.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in isbitaalka uu yahay mid muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed oo u qabta adeegyo kala duwan, Wasaaradduna ay ka qeyb qaadaneyso sidii markale isbitaalka uu u sii wadan lahaa adeegyada uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10