Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Faransiiska ayaa waxaa loogu baaqayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, inuu dajiyo qorshe ciidamo loogu dirayo dalka Burundi, iyadoo la marayo dowladda waddankaasi.
Burundi ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo bishii Abriil ee sanadkii hore, markaa oo Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu u tartamay kuna guulaystay xilka markiisii saddexaad, arrintaasi oo mucaaradku ay sheegeen in ay sharci darro aheyd.
Tan iyo markaana in ka badan 400 oo qof ayaa dalkaasi lagu dilay.
Waxaana jira walaac laga qabo in qalalaasuhu uu sii kordho oo uu isu badelo colaad qowmiyad ku salaysan oo ka dhacda gobolka.
Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Francois Delattre ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay in guluhu ay tahay in uu guto waajibaadkiisa.
Faransisika ayaa doonaya in golaha ammaanka uu si wadajir ah u fuliyo waajibaadka saaran.
Mr Ban ayaa waxa uu dowladda Burundi kala tashan doonaa qorshaha ciidammada la doonayo in la geeyo dalkaasi hasayeeshee Madaxweyne Pierre Nkurunziza, waxa uu horay u qeexay in uu ka soo horjeedo in faragelin ay dalkiisa ku sameeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba.
Midowga Afrika ayaa meesha ka saaray qorshe uu ciidammo nabad ilaalin ah ugu diri lahaa waddankaasi.
Bishii Janaayo, Qaramada Midoobay ayaa waxa ay heshay caddeyma ah in ciidammada ammaanka ee Burundi ay kufsadeen haween xilli ay baaritaan ka wadeen guryo ay leeyihiin hogaamiyayaasha mucaaradka oo laga shakiyay, sidoo kalana waxaa la sheegay caddeymo ah in ay jiraan xabaalo wadareedyo.


