Xabaal wadareed laga helay Palmyra

Milateriga Suuriya ayaa sheegaya in magaalada Palmyra ay ka heleen xabaal wadareed ay ku aasnaayeen ku dhawaad 40 mayd.

Magaaladaasi ayaa toddobaadkan dib looga qabsaday dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Haraaga maydka haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa maydadka meesha laga helay, iyadoo maydadka qaar madaxa laga jarayba.

Palmyra ayaa muddo sanad ku dhaw waxaa gacanta ku haysay kooxda I-S, xilligaasi oo maleeshiyaadku ay dad badan halkaasi ku dileen.

Dilalkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mid mar qura loo gaystay 25 rag ah oo lagu dilay tiyaatar uu Roomaanku dhisay oo ku yaal magaaladaasi, halkaasi oo caan ku ah dhismooyinka qadiimiga ah.