Kulankan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada magaalada Beydhabo ayaa waxaa shir gudoominayay ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay wasiirada iyo xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo wareegto uu soo magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana gudoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed loo magacaabay Axmed C/laahi Xuseen.
Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi.


