Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo samata bixinta shacabka soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in danta shaqsiga ay ka hor mariyaan danta guud si looga gudbo caqabadaha heysta Soomaaliya.
Waxaa iminka magaalada Muqdsiho horay ugu sugnaa madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana saacadaha soo socda la filaya in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koofur galbeed.
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka dhaco shir looga hadlayo doorashada soomaaliya ee sanadkaan 2016.


