DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland “Dowladda ayaa raali ka ah Shabaab in ay sii jiraan”

Beydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in deegaanada Jubbooyinka ay ka bilaaban doonaan wixii ka dambeeya Bisha Barakeysan ee Ramadaan howlgallo iyo waliba dagaalo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in howlgaladan ay yihiin kuwo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo sheegay in dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan ururka Al-shabaab aanan daacad laga aheyn taasina ay keeneyso in Al-shabaab waqti badan ay sii jiraan.

Dhanka kale Madaxweynaha Juubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay raali ka yihiin in ay sii jiraan ururka Al-shabaab.

Weli waxaa jira deegaano ka tirsan Jubbaland iyo waliba deegaano kale oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.