AKHRISO: Warbaahinta Puntland oo amaro culus la dul dhigay

Boosaaso-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar culus oo ku aadan Warbaahinta ka howlgasha deeganada Maamulkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa lagu sheegay in lagu amrayo dhamaan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland in aysan wareysan karin C/samad Galan oo horey u ahaa Gudoomiyaha gobolka Bari.

Arintan ayaa ka dambeysay, kadib markii qaar ka tirsan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland Wareysi ay ka qaadeen Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo ah shaqsi ka soo horjeeda Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay Warbaahintii jabisa amarkaasi in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, islamarkaana looga digayo Warbaahinta.

Balse waxa uu sheegay in la wareysan karo dadka mucaaradka ah ee aanan hubaysnayn oo aragtidooda iyo dhaliishooda afka kaliya ay ku eeg tahay.

Warbahinta-PL