Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dadka reer Galmudug looga baahanyahay in ay u diyaar garowbaan doorashada la filaya in ay sanadkaan ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in doorashada sanadkaan ka dhacaysa deegaanada maamulka Galmudug looga baahanyahay in dadka shacabka ah in ay u diyaargaroobaan doorashada sanadkaan ka dhacayso dalka .
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dadka reer Galmudug looga baahanyahay in ay muujiyaan tanaasul ayna isku dayaan in doorasho xor ah ay ka dhacdo deegaanada Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa u diyaar Garoobayaan soo xulista Xilidhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya.




