Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu soo gaba gabeey Magaalada Baydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maanta  lagu soo gaba gabeeyay  magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirkan ayaa  intii socday waxaa looga hadlayay arimo badan oo ay ka mid yihiin  Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale.

Gaba gabada ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, iyadoo Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay si weyn uga hadleen arimaha Doorashooyinka, Qorshaha Amniga Qaranka, waxaana ay isla ogolaadeen arrimo fara badan.

Waxaa ka mid ah qodobada ay isku raaceen madaxda Soomaalida 135 oday ee soo xulaaya xilidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Guddiyada doorashooyinka sanadkaan iyo Miisaaniyada doorashooyinka.

Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.