Magaalada Baydhabo ayaa maanta wajahaysa xaalad amni oo aad loo adkeeyay, iyadoo gebi ahaanba la geliyay bandow lagu mamnuucay isu socodka shacabka iyo gaadiidka, si loo sugo amniga doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta la filayo inay ka dhacdo magaaladaasi.
Sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka, waxaa keliya oo loo oggol yahay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo gaadiid si gaar ah loo asteeyay.
Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag kasoo saaray in aan la ridin rasaas dabaal-deg ah inta lagu guda jiro doorashada iyo marka natiijada lagu dhawaaqo.
Doorashadan oo muddooyinkii dambe hareysay xiisad siyaasadeed iyo is jiid-jiid ayaa waxaa ku tartamaya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed (Ina Jawaari).
Saddexda musharrax ayaa xalay khudbado siyaasadeed ka jeediyay Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyagoo soo bandhigay qorshahooda hoggaamineed iyo aragtidooda mustaqbalka maamulka.
Musharraxiinta ayaa diiradda saaray arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, xal u helidda tabashooyinka dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed, furista waddooyinka muhiimka ah ee xiran, xorriyatul-qowlka iyo dhismaha deked istaraatiiji ah oo maamulka yeesho.
Sheekh Aadan Madoobe oo si weyn loogu saadaalinayo inuu hoggaanka ku guuleysan karo ayaa sheegay inuu mudnaan gaar ah siin doono isku furidda magaalooyinka iyo deegaanada Koonfur Galbeed haddii uu ku guuleysto xilka.
Dhanka kale, warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ciidamada taageersan Madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) la geeyay duleedka Baydhabo, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo suurtagalnimada iska horimaadyo amni oo magaalada ka dhaca.
Amniga magaalada ayaa si weyn loo xoojiyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgal ballaaran ka wadaan gudaha iyo bannaanka Baydhabo. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya sugidda amniga inta ay socoto doorashada.
Inkasta oo muddooyinkii dambe ay jireen tabashooyin iyo muran siyaasadeed oo hareeyay hanaanka doorashada, haddana wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in xal guud laga gaaray mad-madowgii jiray, islamarkaana natiijada hordhaca ah ee doorashada si weyn loo saadaalinayo.
Doorashadan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama natiijadeedu saameyn weyn ku yeelan karto mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo xiriirka maamulkaasi la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.



