Dayniile iyo Wadajir oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmooyinka Dayniile  iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa sanadkan Taaba galineysa Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Degmooyinka Dayniile iyo Wadajir oo aan goor dhow qadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.

Degmooyinka Dayniile  iyo Wadajir ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulankooda Saddexaad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.