Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Baydhabo 22-25 Juun 2016. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte,Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mahad celin iyo ammaan u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo marti-gelinta shirka Madasha Qaran.
2. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay xubnaha iyo qaab-dhismeedka Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.
3. Waxay mar labaad ku celisay in la sameeyo khariidad-siyaasadeed qeexan oo 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.
4. Madashu waxay mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dumarka iyo metelaaddooda. Sidoo kale, Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dumarka iyo metelaaddooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa howlaha guddiga heerka qaran ee u ololeynaya taabba-gelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday dumarka Soomaaliyeed (30%).
5. Waxay dhammaystireen, saxiixeenna liiska rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka 135-ka ah ee doorashada 2016.
6. Madashu waxay magacawday guddi ka soo talo bixiya metelaadda iyo maqaamka caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 19 xubnood oo shan ka mid ah ay soo magacawday Dowladda Federaalka, halka dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ay soo magacaabeen min laba xubnood. Guddigu wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17ka Luulyo 2016.
7. Madashu waxay isku raacday miisaaniyad faahfaahsan iyo jadwal howleed waqtiyeysan oo suurta gelinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.
8. Madashu waxay kaloo isku raacday in doorashada 2016 ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan gaar ah. Si taas loo hirgeliyo, Madashu waxay isku raacday in loo saaro guddiyo ka soo shaqeeya hannaanka loo marayo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland.
9. Madashu waxay isku raacday in laba xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare beesha Reer Banaadiriga.
10. Madashu waxay ansixisay qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan nidaamka federaalka.
11. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay shaxda Golaha Shacabka, waxayna saddex kursi oo beesha Harti/Daarood iyo hal kursi oo beesha Madaluug/Dir u wareejisay Jubbaland.
12. Waxay ku heshiisay in shirkeeda soo socda lagu qabto caasimadda Muqdisho 17-20ka bisha Luulyo 2016.
13. Waxay uga mahad celineysaa saaxiibada beesha caalamka sida ay ugu heellan yihiin in ay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashada 2016, waxayna ku boorrinaysaa ka mira-dhalinta iyo oofinta balanqaadkoodii taageero ee dhaqaale.
Warmurtiyeed kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu muujiyay qorshaha hirgalinta doorashada iyo jawalka la raacaayo doorashada sanadkaan 2016
LIFAAQA I:
Qorshaha Hirgelinta iyo Jadwal Waqtiyeedka
24-ka June Dib u eegidda iyo dhamaystirka liiska 135ka odey dhaqameed ee hadda jira. Madasha Hogaanka Qaranka (MHQ)
24-ka June Dhameeystirka, magacaabista iyo kudhawaaqidda Guddiyada doorasho ee heer Federaal (GFHDD) iyo heer dowlad goboleed (GDGHDD) MHQ
24 ka June – 1-da July Magacaabista Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dhameeystirka hannaanka xallinta khilaafaadka MHQ
26-29 – Ka June Tababarka guddiga GFHDD iyo GDGHDD IESG (UN)
30-ka June Guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ayaa billaabaya wacyigelinta dadweynaha ololaha doorashooyinka 2016.
8-da July Guddiyada SEITs ayaa laamaha fulinta dowlad goboleedyada federaalka ugu yeeraya inay murashaxiin u soo magacaabaan Aqalka Sare. `
8-da July Guddiga GDGHDD ayaa Odey Dhaqameedyada ugu yeeraya inay soo xulaan ergooyinka doorashada. GDGHDD Soo gudbinta/magaacibadda murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.
Laamaha Fulinta ee Dowlad Goboleedyada
9-10-ka July: Guddiyada GDGHDD ayaa diwaangalinaya xubnaha murashaxiinta ee u tartamaya Aqalka Sare. GDGHDD
10-13 Ka July Odey dhaqameedyada waxay diyaarinayaan liiska ergooyinka cod bixiyeyaasha ayagoo tix gelinaya kuraasta sida gaarka ah loogu asteeyay ee loo qoondeeyay haweenka iyadoo la raacayo habka ay ogolaatay Madasha Hogaanka Qaran (ugu yaraan 30% Aqalka Hoose). Odayaasha Dhaqanka
10-ka July Dejinta habraac iyo arrimo farsamo (oo ay ka midyihiin shuruudaha murashaxmimada, diiwaangelinta murashaxiinta, xarumaha codbixinta, waraaqaha codeynta, kormeerka doorashada, wacyigelinta dadweynaha iyo ololaha).
14-15 ka July: Dhegeysiga khudbadha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare. Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.
15-ka July Kulanka Madasha Hogaanka Qaran ee lagu oggolaado:
- • Liiska faahfaahsan ee 30% kuraasta qoondada haweenka •
- Arrimaha kale ee la ogaado una baahan ka doodidda/go’aanka Madasha Hoggaanka Qaran. MHQ LUULYO (Ramadaan/ Ciid)
1-16-ka July Soo xulidda ergooyinka doorashada Odayaasha Dhaqanka
16ka July Soo gudbinta iyo hubinta liiska kama dambeeysta ah ee ergooyinka Odayaasha Dhaqanka Iyo GDGHDD
16-23-ka July Guddiyada GDGHDD ayaa dib u eegid ku sameynaya qaybaha ay ka kooban yihiin ergooyinka doorashada kana eegaya in loo wada dhanyahay (dhallinyarada, bulshada rayidka, ugu yaraan 30% haween ah) GDGHDD
16-19 ka July: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Sare iyo ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka
20-ka July: Codeynta Aqalka Sare (oo hal maalin kawada dhacaysa dalka), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Sare. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka
27 July: Doorashada godoonka aqalka sare ee baarlamaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka
22-30-ka July Asteynta iyo diyaarinta xarumaha codeynta doorashada Aqalka Hoose ee ku yaalla caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka iyo magaalada Muqdisho.
25-ka July Xubnaha ergooyinka doorashada ayaa lagu wargelinayaa in la soo xulay waxaana loogu yeerayaa inay ka qaybqaataan codeynta kuraasta Aqalka Hoose.
GDGHDD AGOOSTO 2016 2-7 August: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Hoose iyo bixinta ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka.
GFHDD 7-12-ka August: Imaanshaha iyo Wacyigelinta ergooyinka codeynaya , soo jeedinta khudbadaha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka
GDGHDD 13-20-ka August:
- U codeynta Aqalka Hoose (oo isla maalin ka dhacda dhammaan goobaha, haddii loo baahdana la sii wado dhowr maalmood), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Hoose.
- Liiska kama danbaysta ah ee Xildhibaanada Aqalka hoose oo lagu dhawaaqo.
- Fadhiga ugu horeeya ee lagu dhaarinaayo xildhibaanada aqalka hoose oo qabsooma.
GDGHDD iyo GFHDD oo midba shaqada uga jira halka uu ka leeyahay
21-30-ka August: Doorashada guddoonnka Aqalka Hoose ee Barlamaanka
SEBTEMBER 2016 1-8-ka ka September Olalaha Murashaxiinta Madaxtinimada
10-ka September Doorashada Madaxweynaha JFS


