Mudug-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan ayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo is dhexgalka.
C/rashiid Xaashi Cartan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay in ay wada shaqeeyaan oo ay is dhexgalaan shacabka labada dhinac.
Waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago falalka amni darada ah ee mararka qaar dhaca.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray wariyaha Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Muxudiin (Saxansaxo).



