DHAGEYSO: K/Galbeed oo amar siisay Guddiga Abaaraha

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka koonfur Galbeed iyo ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo bilaabi lahaa Gurmadka loo sameynayo dadka ay Abaaraha ku saameeyeen Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa markii uu kulanka soo idlaaday waxa uu la hadlay warbaahinta, isaga oo ka warbixiyay kulanka ay la qaateen ku simaha Madaxweynaha.

Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warbixinta warkan waxa uu ka soo diray Magaalada Baydhabo.