DHAGEYSO: Maamulka Gedo” Shabaab waan ka saareynaa deegaanada ay ku sugan yihiin”

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Canjeex oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay maamulka gobolka Gedo in Al-shabbaab ay ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi Gedo.

Waxaana uu tilmaamay in ciidamada ay diyaar u yihiin in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada islamarkaana ay taageero military ay heystaan.

Al-shabaab ayaa ku sugan deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolka Gedo, waxaana mararka qaar ay weeraro ay ka soo qaadaan deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Maamulka gobolka Gedo oo horay warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan dadaalo ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.