Kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka kasoo qeyb galay gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha xukumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horgeeyey golaha shacabka hishiis ay dhawaan Muqdisho ku gaareen maamul goboleedyada iyo madaxda dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor u akhriyay Xildhibaanada Baarlamaanka go’aanadii doorashooyinka iyo qaabka ay u dhici lahaayeen, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ka dalbaday Baarlamaanka inay ansixiyaan heshiiskaas.
Gudoomiayaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada 48-saacadood ku soo akhriyaan go’aanada doorashooyinka
Xilidhibaan Maxamed cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaliya ayaa idaacadda Risaala ugu waramay kulankii maanta waxa uu kusoo dhamaaday.


