Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Shabaab ka saari doonaan deegaanada hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Maamulka degmada Xudur ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgal balaaran oo Al-shabaab looga saaraayo deegaanada wali ay gacanta ku hayaan ee ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan Xuseen ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xoogan oo Shabaab looga saaraayo tuulooyinka hoos yimaada Xudur, sidoo kale wadooyinka Shabaab u xiran ay furi doonan,waxuuna sheegay inta aan la gaarin bisha Ramadaan Alshabaab laga saari doono deegaanada hoos yimaada Xudur.


