Baay-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda War faafinta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda War faafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka hadlay deegaanadii dhowaan ay ka baxeen ciidanka AMISOM, waxaana uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu la socday arimahaasi.
Waxa uu sheegay Wasiirka ujeedka AMSIOM ay deegaanadaas uga baxeen in ay tahay sidii ciidanka Koonfur Galbeed ay ula wareegi lahaayeen goobaha hada ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay bilaabi doonaan howlgallo ku aadan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.


