Daawo: Gudoomiye Jawaari oo gaaray Koonfur Afrika

Johannesburg-RisaalaFM- Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Garoonka Diyaaradaha magaalada Johannesburg waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

 

Gudoomiye Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro dalka Koonfur Afrika, waxaana uu sheegay in safarkiisa uu ahaa mid kedis ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo Madaxda Koonfur Afrika, isagoo kala hadli doona dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida ku nool dalkaasi.

J1 J2 J3 J4 J5 J6