Kismaayo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Kismaayo ee Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed ayaa ka warbixyay ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.
Taliye Maxamed Naasir ayaa shacabka ka dalbaday in amniga ay kala shaqeeyaan Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska maamulka Jubbaland.
Waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay ka gutaan acmaasha Bisha Barakeysan ee Ramadaan, maadaama Bisha Ramadaan lagu guda jiro.
Dhanka kale Maxamed Naasir Guuleed Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa sheegay in aan la arki karin Maqaaxi furan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay soconayaan Howlgalada lagu sugayo amniga ilaa amniga Degaanada Jubbaland uu ka noqanayo mid la isku haleyn karo.
Ammaanka Degaanada Jubbaland ayaa maalmahan waxa uu yahay mid hagaagsan, waxaana socda dadaalo ay amniga ku sugayaan Hay’addaha Amniga ee Jubbaland.



