Maamulka Jubbaland ayaa ku dhaawaday in mardhow ay duulaan ku qaadi doonaan deegaannada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Gedo.
Wasiiru dowladaha wasaarada Amniga maamulka Jubbaland Maxamed cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Shabaab deegaano ka mid ah.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayuu sheegay in ay dhawaan qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano iyo sidoo kale degmooyin badan oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo sidoo kale Gedo , waxaana maamulka Jubbaland ay dhowr jeer ay sheegeen in ay Al-Shabaab ka saarayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.