DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ciidamo u dirtay deegaanka Goof-Gaduud

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah u diray deegaanka Goof-Gaduud oo ay xalay la wareegeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Goof Gaduud ayaa la sheegaya  in ay keentay in ay ka baxan ciidanka dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay la wareegaan Al-Shabaab.

Deegaanka Goof Gaduud ayaa ku dhow Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay , waxaana uu u jiraa magaaladaasi 30 Km.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay deegaanka Goof Gaduud ay kula wareegeen dagaal.

Todobaadkii hore  ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool, ka dib markii ay ka baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya.