DHAGEYSO: Galmudug oo Xoog kusoo furatay haweenay u dhalatay Kenya

Gudoomiyaha Deegaanka Camaara ee gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa waxa uu  sheegay in ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug ay xoog  kusoo furteen  haweenay u dhalatay dalka Kenya oo  gacanta ugu jirtay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Gudoomiyaha Deegaanka Camaara ayaa Risaala u sheegay in ciidanka ammaanka ay haweenayda ay kusoo furtay howgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in aysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidanka ammaanka iyo sidoo kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Howgalka ayaa waxa uu dhacay xalay sida ay Risaala u sheegeen madax ka tirsan maamulka deegaanka camaara ee gobolka Mudug.

Haweenaydaan ayaa la sheegaya in kooxaha burcadbadeeda ay muddo ku haysteen gobolka Mudug.

Dhawaan Kooxaha Burcad badeeda ayaa Madax furasho ka qaatay ku dhawaad 29 qof oo badankood u dhashay Qaarada Asia.