Wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay abaaraha ka jira deegaanada maamulka Jubbaland.
Waxaana uu sheegay in dadka wax heysta ay ugurmadaan walaalahooda ay dhibaatada heysata, iyadoo sidoo kale uu baaq ujeediyay qurba joogta Soomaaliyeed in ay iyaguna gar gaar la soo gaaraan dadka abaarta la dhibaateysan.
Madaxda dowladda ayuu sidoo kale wasiirka ka codsaday in ay gurmad buuxa la soo gaaraan dadka ay abaaraha ku heystaan gobolada dalka.
Maalinta Isniinta ah ayuu wasiirka sheegay in ay jiri doonto salad roob doon ah oo Alle lagu barinayo.
Dhowaanahan ayaa waxa ay cabasho xoog leh ay ka soo yeereysay dadka ku nool gobolada dalka, iyagoo ka cabanaya abaaraha halkaasi ku heysta.
Waxaana dowladda Soomaaliya ay wadaa gurmad ay wax uga qabaneyso abaaraha ka jira gobolada dalka.


