Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa ka digtay in Dowladda Kenya ay xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, halkaasi oo ay ku noolyihiin qaxooti badan oo Somaliyeed.
Bill Frelick oo ah Agaasimaha Barnaamijyada ee Hay’adda Human Rights Watch ayaa ugu baaqay inaysan Kenya dhabarka u jeedin dadka u baahan daryeelka waxyaabaha aasaasiga ah oo ay horay u ballan qaaday inay tixgelinayso.
Dhanka kale Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa dowlada Kenya ka codsatay in dib ay u eegto warsaxafadeedka ay ku sheegtay iney xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.
Msf ayaa sheegtay in dowladda Kenya looga baahanyahay in ay tixgaliso arimaha xuquul insaanka .
Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ee ay Xarunteeda ay ku taal magaalada London ee dalka Britain ayaa dowladda Kenya ugu baaqday in ay ka laabato talabada ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.


